Latest news

Siminaar lagu baranayay isdhexgalka bulshada,maamul wanaagga iyo hormarinta nabada oo socday mudo Afar maalin ah ayaa lagu soo gebagebeeyey degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose ayadoo siminaarkanna ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada ku dhaqan dagmada Awdheegle iyo deegaannada nawaaxigeeda ah.

Mudadii uu socday ayaa waxaa lagu bixiyay casharro ku saabsanaa isdhexgalka bulshada iyo maamul wanaagga ayadoo ka qeybgalayaasha siminaarkana is dhaafsadeen fikraddo ku saabsan qaabka lagu gaari karo maamul wanaagga waxaana iska kaashaday siminaarkaasi hay,ada USIP iyo hay’adda brado.

Dadkii ka qeybgalay siminaarkaasi ayaa sheegay in wax badan ay ka kororsadeen mudadii uu socday siminaarku iyagoo dhinaca kalana codsaday in la badiyo siminaarrada ceynkan oo kale ah.sidoo kalena waxa ay u mahad celiyeen hay’adihii soo qabanqaabiyey iyo maamulka degmada Awdheegle.

Dhowr jeer oo hore ayaa siminaarro badan oo kan la mid ah waxaa ay hay’adda Brado ku qabatay dagmooyin kale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Ganacsatada suuqa weyn ee bakaaraha ayaa sheegay in uu la soo gudboonaaday qalqal iyo baqdin hor leh habsami u socodka ganacsigooda kadib markii dhowaan dhac loo geystay meherado ganacsi oo ku yaalay suuqaas.

Ganacsatada ayaa ku doodaya in falalka ammni darada ah aysan waxba ka qaban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaana ganacsatadu ay quus ka muujinayaan tilaabo soo deg-deg ta oo ay dowladda ka qaado dhibaatada raga hubeysani ay ku hayaan suuqleeyda.

Wariyaha raadiyaha Goobjoog Maxamed Salaad Cisman oo booqday meelaha ay cabashada ugu badani ka imaaneyso gaar ahaan goobo ganacsi oo dhawaan la dhacay waxaa uu lakulmay dadka cabanaya.

Dadka uu la hadlay waxaa kamid ahaa gacanacsade magaciisa qariyay sababo xaga ammaanka ah, waxa uu sharaxaad ka bixinayaa dhibaatada hada ugu daran ee heysata ganacsataada.

“Waxaan dowladda federaalka ka codsanaynaa in ay wax ka qabato dhibaatada ka dhacda gudaha suuqa Bakaaraha maadaama ay dowladdu ka taliso magaalada” ayuu yiri ganacsade kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha. – See more at: http://www.xamarcade.com/news.php?readmore=2432#sthash.QqwgdwcP.dpuf